Welcome to Afgarad.Blogspot.com

War baa u Gaajo Kulul, War la helyaa Talo la hel!

Maansadan Geesigee bareeraya

ah oo way muuqataa in ay ka hadlayso cuqubada labaad ee magacii soomaali dhulka la galay, marka laga
soo tago tan koowaad ee xaqiraadda hooyada soomaaliyeed taas oo keentay in inkaar ka-fac ka-fac ahi
dhigaashamo, wuxuu inyar inyar u laayana uu sannadahan dambe hal mar ku soo booday ee uu tarab-
tarab u laynayo, kuna socon doono inta ay ka tawbad keenayaan, waxay ahayd maansadu:


Hadraawoo gabyayoo horay uga gadoodiyo
in kaloo ka gubatiyo anoon guulle ii qorin
gabadhooda inan helo ee toosh ku goobayey
mooyee gebigeen soomalaay garaadlaay
gabooye waa gobteennoo gunta waan ka ognahee
taladaa na gees maran

ee si aan u gudubnoon dulligaasi gaamuray
jiridda uga goyn lahayn waa inaannu guursanno
gabdhahooda wacanoo sharaf lugu gardaadshoo
guullahooda caabbuda.

Eebbaheen gargaarkiyo garab qabashadiisuna
waa markaynu garannoon gabdhaheenna siinnoon
gabdhahooda guursanno, waxna soo gurayoo
soo gebageboobaya taariikh gamuusliyo
guuldarrooyin soo jirey.

ee intaynu goombaar gelinkaani maantaa
gaadaysa doofaar oo aynaan geddeediyo
abkeedii garanayn wada daba gamboonnahay

oo aynu gaarida walaasheyda gobtoon
abkeedii garanayo garaadkii boqlaadbaa
gaajo haysey awgeed goodir aan la bireyn
cad ka goostee cunay cillad ugu goobayo
welibana gidhiis iyo been gamuuran ay tahay

dunidaan guudkeed, waa qax iyo guurguur
cishadaynu go'nana waa godkii jahannamo.

Inkastoo garaaddiyo hooyo gob ahi jireen
horay ugu guursheen tiradaa ku gaabnayd
is gaad-gaadna wuu jirey, oo xan iyo gunuus baa
hoosta looga guuxayey.

Ogow oo gardarrada tolkaa kugu gargaarood
reer geelle tuur baa goobta kugu qoslayoo
cay kugu gamuunnayn xaqa uga gidaaddaa
abii lahab gunaanada oo ruuxu gurayey
god naareed u hoysee, war yaa beel giriifoo
gacanta sare u taagaya oo maanta goobtaan
goob joogga laga yahay geesigee bareeroo
gobannimo billaaboo taariikh gabowdiyo
websaytyada gelinnaa oo gabadha siiyoo
wiilkana u guuriya oo guulle eegoo
jannadii ku gadanaya.

Galoobkaan adduunyada waxan ganac lahayn bay
dadku magac ku goobaan oo buugga la yiraa
Ganas ay ku geliyaan ee geeska afrikiyo
du nidaani guudkeed idaacadaha hawl gala
isgaarsiinta gebigood geesigee bareeroon
magaciisa gelinnaa ?

oo labo gudboon oo shimbiraha ka gooniya
geesaha ka joogoo labo geed ku kala jira
geesigee bareeroo dhagax qura ku gaadaya?

oo sharaf ku guuroo dunidaan ku gaardiya
berritana gudoodiga qiyaamaha geddiisii
dadku gabayaxooboo gunuunuca shallaygiyo
guraa baasku uu jiro ar yaa guulle eegoo
jannadii ku gadanaya oo naar giriifoo
fardawsa u galliimaya ?
-------------------------------------------------------