Welcome to Afgarad.Blogspot.com

War baa u Gaajo Kulul, War la helyaa Talo la hel!

Ku socota Shirka Somaalida ee London Feb. 2012

Nabad & naxariis Allaha yeelo Nabigenna Mohamed (SCW)kadibna intii Islaam ah, annagoo ah Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo, waxaan leenahay Shirku marna waa muhiim marna waa sun, waxaana mas'uuliyaddisa iska leh nin Ilaahi yaqaan misna xaalka og Inc. La socdo meesha uu marayo, intaas kadib waxaan si gaar ah uga degeynaa inuusan noqon sida arrintii dagaal oogayaashii kuwaasoo oran jiray:- Wakiilka umaddu waa annaga, xildoonuhu waa innaga sidaas ayaana Soomaaliya ku dawoobeysaa, oo xaqa ka maqani waa intaas, waa anigoo wax iraah iyo anigoo xilka qaada, haddaba dadkiinna Islaamka ahaw waxaan idiinka digeynaa wixii maanta xumaada adinkaa ka mas'ul ah, haddana inaadnaan xil qaadin adinka ka mas'ul ah, waana laba darran mid dooro maanta meesha ay mareyso.

Sidaas darted waa kuma Hogaamiyaha Muslimka runta ah tilmaamaha uu leeyahay: -Tilmaamaha Hoggaamiyaha Muslimka ah, waa sidaan:-
waa in uusan u quurin qofna wax uusan naftiisa u qaadeen.
Waxa u daliil ah hadalkii Nabiga (NNKH) oo yiri:- ninkii ay farax gelineyso in naarta laga dheereeyo, Jannadana la geliyo dhimashadu ha haleesho isagoo rumeysan Ilaah & Rasuulka, dadkana ha ula dhaqmo sida uu jecel yahay in loola dhaqmo.
Waa in uu yahay nin u oomman nasteexada dadka cilmiga xambaarsan, ku dhaqmaa, ugana mahad celiyaa taladooda aqoonta ku dhisan.
Daliil: Abuu Cubeyda & Macaad binul Jabel, ayaa warqad u soo qoray Khaliifkii 2aad Cumar, (RC) iyagoo leh waxaad maantay Amiir u noqotay Madow iyo Caddaan, geed hoosti u fariisatay, Caddaalad baad ku maamushay Raciyaddaadii, sidaas darted, Waxaad tahay manta oo aanu kuu garannay inaad tahay Amiirul Muuminiin, waanuu qaatay ugana mahad celshay.
Hoggaamiyaha Umadda waa in uu u leexiyaa dadaalkiisa, Waqtigiisa iyo Maskaxdiisa, xagga umadda, u kuur galka xallinta danahooda gaarka ah.
Daliil: Khaliifkii 5aad Cumar ibnu C/casiis ayaa maalin damcay inuu shaqada ka nasto saacado, kadibna waxaa u soo galay Wiil uu dhalay C/Malik, oo ku yiri maxaa kugu dhacay Aabbe oo aad uga nasatay shaqadii umadda?, J. waxaan damcay in aan wax yar ka nasto, wiilkii baa ugu jawaabay, Yaa Amiirul muuminiin, miyaad ka aamin ahaatay inuu saacaddaas malagga nafta kuu yimaaddo iyadoo umaddii albaabkaaga hortiisa ku xayiran yihiin !!!. markaas ayuu u qumay Shaqadii.
Hoggaamiye Muslinka ah: waa in uu ka tagaa raaxada macaansigeeda iyo is-raacinta dhaldhalaalka adduunyada.
Daliil: Salmaanul-faarisi (Rc)iyo Khaliifkii 2aad Cumar (RC), Cumar ayaa wejigiisa xanaaq ka dareemay Salmaan, Cumar baa yiri, ma wax xun baad iga aragtay Salmaanow, dabadeed wuxuu ku yiri waxaan maqlay in aad xeeradaada isugu geysay hilib subag iidaan ah? Iyo labo isku jog oo dhar ah midna guriga midna la hor joogsato Bulsgada? Cumar baa yiri, ma wax kale oo eed ah baa jira?, Salmaan, maya. Jawaab.Cumar baa yiri waan kaa kaafinayaa labada arrimood umana noqon doono mar kale.
Waa in hoggaanku u fahmo xukunka iney tahay fursad dhif & Naadir ah oo loogu dhowaado Allaah, waana inuusan u fahmin awoooddan fursad lagu boqna gooyo umadda loogana faa`iidaysto.
Daliil: Khaliifkii 1aad Abuubakar (RC) Isagoo memberka taagan yiri:- Nabiga (NNKH) ayaan ka maqlay Hoggaan Caadil ah, isla weyneyn Ilaah baa u hareeya maalinta Qiyaame, waxaana la dallacsiiyaa cawo & maalin kasta 60 derejo oo ah kuwa saddiiqiinta (run sheegyada) waxa kale oo Nabigu (SCW) laga wariyey in uu yiri 7ba Ilaahay baa u hareeya Carshigiisa maalinta aan har kale jirin, wuxuuna ka billaabay Hoggaan Caadil ah. Waa kuwa Alle ugu jecel yahay, ugu dhowaanshiyo badan maalinta Qiyaame, kuwa Alle ugu neceb yahay, uguna cadaabta adag, waa Hoggaan Faajir ah.
Hoggaamiyuhu waa in uu ka caado yeeshaa u dhimrinta umadda xaalad walba, cid kasta ee Bulshadiisana waa in uu xaqeeda siiya mid dhow & mid dheerba
Daliil: Caa`sha (Rc) Werisay in Nabigu yiri (SCW) Allahayow!! Ninkii xilka umadda qaadee u dhimrin waaya isaga ha u dhimrin, ninkii u naxariistana u naxariiso.!!!
Hoggaanka waa in hadafka uu xukunka ka leeyahay uu yahay mid uu dadka kaga kasbanayo kalgacal & raali ahaansho sharciga waafaqsan.
Daliil: Cawf binu Maalik (Rc) in Nabigu Yiri (NNKH) Hoggaamiyayaasha kuwa ugu wanaagsan waa kuwa aad jeceshihiin idiinna jecel, aad u ducaysaan idiinna duceeya, kuwa ugu sharta badana waa kuwa aad u carootaan idiinna carooda, aad lacanaddan idinna lacanada.
Waa inuu had & Jeerba maanka ku hayaa halista ay leedahay Mas`uuliyadda Hoggaanka & Weynideedaba, sida ay u weyn tahay faa`iidadeeda aduun & aakhiroba.
Daliil: Abaa Horayra (Rc) in Nabigu yiri (SCw) waxaa hoogay oo halaagsamay kuwa hoggaanka idiin haya, kuwa madax Dhaqameedka idiin ah, Hog-hayayaasha isku xirka barrimaha Bulshada lagu aaminay, dabadeed ku saaqiday Mas`uuliyadii lagu aaminay, waxey jeclaan lahaayeen in laga soo laalaadiyo xidigaha Ururta loo yaqaan, marka ay arkaan ciqaabta rabbi u diyaariyey, waxeyna ku ooyaan maxaan xilba u qabanay.

Hoggaanku waa in uu aqbalaa waanada Culimada, isla markaana ku dhaqmaa talooyinkooda kuna waansamaa waanada diinta.
Daliil: Khaliifkii 2aad Cumar (Rc) ayaa u qoray waraaq abuu Muusa al-ashcari (Rc) intaa kadib, Hoggaamiye waxaa ugu wanaagsan Allaha agtiisa waa midka dadka uu hoggaansho wanaajiya, waxaana Allaha agtiisa ugu xun Hoggaamiyaha dadkiisa xumeeya.
Hoggaamiyaha waa in uu ka caado yeeshaa Cafiska iyo u dulqaadashada Ummaddiisa, kula dhaqmaa dadka dhaqan wanaagsan, caradiisa waa inuu qariyaa uusan ciqaabin kii u gefa isagoo awooda.
Daliil: Nabiga (CSW) ayaa laga wariyey inuu yiri geesigu waa ninka ka adag naftiisa marka uu xanaaqo, ee ma aha marka la legdamayo ka iidinku xoogga badan
Daliil: Cali Binu Abii Daalib (RC) Wuxuu Nabiga ka wariyey (SCW) inuu yiri, Hoggamiyaha Muslimka ahi ee Dulqaadka badani wuxuu la mid yahay ninka maalintii Sooma habeenkiina Salaad u taagnaada.
Daliil: Cali bin abii Daalib (RC) wuxuu Nabiga ka wariyey (SCW) inuu yiri, ma kuu sheegaa horeysa iyo dambeysaba dhaqan kuwii ugu wanaagsanaa? Khudul cafwa, wa’mur bilcurfi wa acridh canil jaahiliil, nabiga ayaa yiri, oo waa maxay macneheedu Malaku Jibriilow, anna ma garanayo ayuu yiri, kadibna Ilaahey ayuu ula laabtey, waxaa lagu soo dhahay sidaan:- Wuxuu yiri, nacam, sidaan ayuu u sheegay( nnkh
 Kii kuu diida adigu sii
 Kii ku dulmiya iska Cafi
 Kii ku gooya xiriiri
Markaas waxaan tilmaanta jidka toosan ka qaadanaynaa, Khaliifkii ugu horeyay Nabi kadib, Abuubakar Saddiiq (RC) khudbadiisii ugu horeysay markuu xilka qabtay, waa kan ugu mudan cid looga daydo intaan nabi ka ahayn wuxuu ku yiri:-
 Dadkiinaanow xilkiinii ayaa la ii dhiibay, mana ihi ka idinku kheyr badan ,
 Hadaan wanaajiyo wanaagaas iigu kaalmeeya, hadaan weecdo i toosiya .
 Runtu waa amaano beentuna waa khiyaamo ,
 Kiina taag daran agteyda wuu ku awood badan yahay, ilaa aan xaqiisa u soo dhiciyo,
 Kiinna xoog badan agteyda wuu ku itaal daran yahay, inta aan xaqa ka qaadayo Illaahey idanki,
 Qofkiinna yuusan jihad ka harin, waayoo qoomkii Jihaad ka haro Illaahey dulli buu saaraa,
 I adeeca inta aan Alle iyo Rasuulkiisa (SHW) Adeecsanahay, Hadaan Illaahey jidkiisa ka weecdo ha I raacina.
Waxaan markaas xasuusnaa nin Idaacadaha ka hadlay oo magaca Ahlu sunna ku hadlaayey oo lahaa ninkii hub qaataa naga mid maahan ayaa nabiga laga warriyey (nnkh). Isagoo markaa u jeeday mala qollooyinkaan Dagallamaya, arrintaasi ma dhab baa marka casabiya laga tago?.
Waxaa Laga soo bin guuriyey Kutubka :- Islaamku waa nidaam ban`adantinimo
Waxaa turjumay Axmed Jaamac Axmed, isagoo markaas Mogadishu joogay, November 22, 2005 Email aja2153@hotmail.com
+60-17-2241835, Puchong Malayssia
Read 128People {aja2153gmail.com}