Welcome to Afgarad.Blogspot.com

War baa u Gaajo Kulul, War la helyaa Talo la hel!

Gumeysi Cusub ee Soomaaliya laga bilaabo 23 Feb. 2012

Shirka Londan ee 23 Faberaayo oo Soommaaliya maamulkeeda la wareegi doonaan gudi ka socda Beesha caalamka gumeysi cusubna la galin doono

Masuul sare oo xoogaal u ah shirka ay qaban qabisay dowlada Ingariiska ayna ka qeyb galayaan 50 dal oo arimaha Soomaliya quseynaa ayaa waxuu socon doonaa wax ka yar 6 saac isagoona bilaaban doono 23 febraayo 2010


Shirka oo Masuuliyiinta Soomaalida loogu sheegi doono go-aanad shirka ee ahaa in Soomaaliya dib loo gelinaayo gumeysi cusub ayaa go-aankiisa horey loo gaaray iyadoona shirar hor dhac ah ka kala dhaceen Emaaradka Carabta kaa oo yeesheen 50 dal oo quseysa Soomaaliya iyadoona maalinta Bari ahan shirkii u danbeyey ee beesha caalamka arimaha Soomaaliya ku yeelan doonto dalka Jabuuti kaa oo xataa lagu casuumay madaxda Soomaalida


Soomaaliya ayaa waxaa 18keeda gobol maamulayo gudi ka socda beesha Caalamka kuwaa sida la sheegay wareegto noqonayo dalba sanad ku xukumi doono iyadoona miisaniyada ku baxeysa gumeysigaas cusub ee la galinaayo Soomaaliya ay bixinayan dalalka Carabta

Shirka Londan ayaa waxaa la soo warinayaa in looga guurayo wax la yiraahdo ku meel gaar waxaana dalka Toos u xukumi doono gudi ka socda beesha caalaamka kuwaa oo ilaa Soomaalida iska raacdo danaheeda garato xuku mi doono madaama wadamada Soomaaliya daneeyo ay qabaan hadii Soomaaliya sidaan ku sii socota ay hooy u noqon doonto Argagaxisa iyo buracad badeeda waa siday qabaan

Shirka Londan ayaa socon doono hal maalin oo kaliya waxuuna bilaabanayaa 10 am uk to 5p uk,, iyadoona madaxda Soomaalida ee ka qeyb galeysa loo yeerinaayo qodobo diyaarsan waxaana qudbad kaliya ku leh wafdiga Dowlada kMG ka socda inta kale waxay noqonayaan kor joogta oo kaliya sida ku cad nuqul ka mid ah ajandaha shirka oo aan helnay qeyb ka mid ah

Si kastaba ha ahatee shirqoolka shirka Londan waxaa durbaba ka qeyliyey wasiirka koowaad ee Soomaaliya kaa oo sheegay in aan xiligaan oo aduunka gaaray ilbaxnimo ay macquul aheen in Soomaaliya la galiyo gumeysi cusub waana ka hor imaneynaa ayuu yiri Cabdi wali Gaas

Soomaaliya waa xor xiligaan gumeysi ma qadan karto ha noqoto hal ku dhigaada diid gumeysi